|
Xadiis ku saabsan Dajjaal iyo calaamooyinka muujinaya soo dhawaanshaha Qiyaamaha Xadiis ku saabsan Dajjaal iyo calaamooyinka muujinaya soo dhawaanshaha Qiyaamaha Nawaas bin Samcaan A.K.R. wuxuu yiri Nebiga (S.C.W) Wuxuu subax ka sheekeeyey Masiixud - Dajjaal oo Kor iyo hoosba uga hadlay ilaa aan is niri malaha wuxuu joogaa fagaagga geedahii timirta ee agtayada ahaa. Markaan u soo gadoonay Nebiga (S.C.W);Wuxuu S.C.W arkayey fajaca naga muuqda markaasuu na weydiiyey : Maxaa idinku dhacay? Waxaannu - niri: Rasuul Alloow S.C.W. Markii aad uga hadashay Masiixu dajjaal Saakada , marar waxaad u sifeysey wax hoose aan macne laheyn, marka kale waxaad ugu hadashay sida wax ballaaran, markaasaan is niri armuuba meel ka joogaa fagaagga geedahaa timiraha ee agtayada ah. Wuxuu S.C.W. yiri : Aad idiinkagama baqayo anigaa idiinkaga filnaan doona oo idinka difaaci doona; haddiise uu soo baxo anigoon ininku dhex jirin waa inuu qof kastaa oo idinka mida tiisa ogaado. |